Man United ayuu werwer weyni soo food-saaray kahor kulanka muhiimka ah ee Manchester Derby iyadoo uu ka dhaawacmay daafaca midig ee asaasiga u ah kooxdaas ee Diogo Dalot.
Red Devils ayaa xalay 3-0 kaga guuleystay kooxda Charlton balse arrinta farxada ku yaraysay kulankoodaas ayaa ahayd in Dalot sii wadi kari waayay kulanka oo uu 30 daqiiqo ka dheelay.
Kulanka kaddib ayuu tababare Erik Ten Hag oo saxaafada la hadlay sheegay inuusan dhaawaca Dalot ahayn mid halis ah balse waxa hubaal ah inay ugu yaraan ka warsugi doonaan haddii uu Manchester Derby diyaar u noqon doono.
“Diogo Dalot wuxuu baxay kahor wakhtigii nasashada, waa inaanu sugno, uma malaynayo inay halis tahay balse waxay ahayd taxadar inaanu bedelnaa oo aanaan halis qaadan marka aanu Sabtida kulan muhiim ah leenahay” ayuu yidhi Erik.
Dalot ayaa aad muhiim ugu ah tababare Erik Ten Hag oo ka horreysiiyay Aaron Wan-Bissaka, 23 sano jirkaas ayaa dhawaan kasoo kabtay dhaawac uu Koobkii aduunka kala soo laabtay.
Marka lagu daro kulanka Man City, Man United ayaa saddex kulan sagaal maalmood ku ciyaaraysa iyadoo kulankaas kaddib laba jeer London ugu tagi doonta Crystal Palace iyo Arsenal.
Comments
Post a Comment